U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan oo dib u furay safaraadii Shiinaha ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka
Madaxwayne Xasan oo furaya safaarada Shiinaha ee Muqdisho, Soomaaliya
Madaxwayne Xasan oo furaya safaarada Shiinaha

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay safaaradii Shiinaha uu ku lahaa caasimada.

Munaasbada lagu furayay safaarada ayaa waxaa goob jog ka ahaa ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, danjiraha cusub ee Shiinaha uu u soo magacaabay Soomaaliya Wei HongTian oo loo yaqaano (Warsame) iyo diblomaasiyiin kale oo ka socday Shiinaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ku tilmaamay mid soo jireen ah, waligiisna uusan xumaan tan iyo markii labada dal ay yeesheen xiriirka dibloomaasi.

“Dib u furidda safaaradda Shiinaha ee Muqdisho waxa ay ka dhigantahay tallaabo sii xoojineysa xiriirka ka dhaxeeya labada dal.” Ayuu yiri madaxwayne Xasan Sheekh.

Dowladda Shiinaha ayaa dhowaan ballan qaaday in ay dib u dhis ku sameyn doonto isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, garoonka kubbada cagta Muqdisho iyo xarunta murtida iyo madadaalada ee National Theater.