U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan oo ka qeyb galay kulanka golaha wasiirada xukuumadda

Sheeko:Dalka
Madaxwayne Xasan Sheekh oo hadal ka jeedinaya kulanka./Xuquuqda sawirka: radiomuqdisho.net
Madaxwayne Xasan Sheekh oo hadal ka jeedinaya kulanka./Xuquqda sawirka: radiomuqdisho.net

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay kulan deg deg ah oo golaha wasiirada xukuumadda ay ka yeesheen xaaladaha ammaanka dalka.

Shirkan waxaa shir guddoominayay ku simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku xigeen mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.

Qorshaha arimaha hub aruurinta ayaa lagu soo hadal qaaday kulanka iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’adda sir doonka dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi San baloolshe.

Meesha waxa uu ka saaray ra’iisul wasaare ku xigeenka warar sheegayay in khilaaf uu ka dhashay xil ka qaadistii Cabdullaahi San baloolshe.

“ Maalmihii ugu danbeeyey warbaahinta Soomaaliyeed waxa ay buunbuunisay in uu jiro khilaaf u dhexeeya madaxda qaranka oo ku aaddan arrinta xil-ka-qaadistii lagu sameeyey agaasimhii hay’adda nabad sugidda, runtii arrintaasi ma jirto. Madaxda qaranku isku aragti ayey ka yihiin shaqada ay waddo xukuumaddu iyo hiigsiga sannadka 2016.” Ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed.

Golaha wasiirada ayaa ku sheegay kulankooda in meel wanaagsan ay marayaan howl gallada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ugu magac dareen Bad waynta Hidinya.