U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan oo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida

Sheeko:Dalka
Liibaan Cali Yarow
Liibaan Cali Yarow

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida kadib markii uu dalacsiiyay xubnihii loo magacaabay xilalkaasi.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha dowladda Soomaaliya ayaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka loogu magacaabay gaashaanle dhexe Liibaan Cali Yarow oo loo dalacsiiyay darajada gaashaanle sare.

Sidoo kale, wareegtadan ka soo baxday xafiiska madaxwayne Xasan Sheekh waxaa guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad loogu magacaabay dhame Xasan Cali Nuur Shuute oo loo dalacsiiyay gaashaanle sare kaasi oo ahaa guddoomiye ku xigeenka maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida.

Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute waxa uu ahaa sii hayaha xilka guddoomiyaha maxkamadda sare.

Magacaabistan ayaa ka dambeysay soo jeedinta wasiirka wasaaradda gaashaandhiga ee xukuumadda Soomaaliya oo saraakiishan ku ammaanay gudashada waajibaadkooda shaqo.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa todobaadkan gudihiisa u magacaabay Kornel Cabdiraxmaan Tuur yare xilka agaasimaha hay’adda sir doonka dowladda federalka kaas oo hore u ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida.