U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan Sheekh oo dhigiisa France kula kulmaya Paris

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku jooga magaalada Paris kadib markii uu marti qaad ka helay dhigiisa Faransiiska François Hollande.

Labada madaxwayne waxay ka wada hadli doonaan iskaashiga xiriirka ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta.

Madaxawayanaha waxaa wafdigiisa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle, Wasiirka Difaaca Maxamed Shiikh Xaamud, la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga Cabdiraxman Shiikh Ciise iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisu waxay shalay galab booqdeen Safaaradda Soomaalida ee magaalada Paris.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Dr. Cali Siciid Faqi ayaa ku tilmaamay in ay tahay markii ugu horreysay ee Madaxwayne Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Faransiisku ay si rasmi ah isu soo hor fariistaan tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya 1991. Taasina waxay muujineysaa isu soo dhowaashaha Soomaaliya iyo Faransiiska iyo sida uu hadda caalamku ugu soo jeestay in uu iskaashi dhinacyo badan leh la sameeyo Soomaaliya.