U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan oo maanta furaya kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka dalka

Sheeko:Dalka
Sawir hore: Madaxwayne Xasan oo khudbad ka jeedinaya baarlamaanka
Sawir hore: Madaxwayne Xasan oo khudbad ka jeedinaya baarlamaanka

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu furo kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib markii ay xildhibaanada golaha shacabku soo dhameysteen fasaxoodii.

Ciidamada booliska iyo nabad suggida dowladda ayaa waxay saakay xireen wadooyinka gala kana baxa xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho

Laamaha ammaanka dowladda ayaa waxay gaadiidka iyo dad waynaha ay u diidayaan in ay maraan wadooyinkaasi gala xarunta baarlamaanka iyagoona u tilmaamaya wadooyinka kale ee ku dhow dhow ee markaasi ay mari karayaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in kal-fadhiga shanaad ee baarlamaanka uu furmi doono maanta oo sabti ah.

Madaxwaynaha dalka ayaa fura kalfadhiga baarlamaanka kolka xildhibaanada ay fasaxa ka soo laabtaan, sidoo kalana waxa uu soo xiraa fadhiyada Baarlamaanka marka xildhibaanadu ay fasaxa galayaan.