U bood dhigaalka

Madaxweeyne Deni oo Maanta Gaaray Magaalada Qardho

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hor kacayo ayaa maanta gaaray Magaalada Qardho ee gobolka Karkaar , iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa Safarkiisa ku wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa iyo Mas’uuliyiin kale,  isla markaana waxaa Magaalada markii uu gaaray kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka Bari.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha Puntland ee halkaas ayaa waxa uu yahay sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo Tababar mudooyinkii dambe ugu socday Qardho iyo Badhan.

Inta uu ku sugan yahay Qardho Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa maamulka magalada Qardho iyo Odayaasha dhaqanka qaarkood, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan.

Goobjoog News