U bood dhigaalka

Madaxweyme Galmudug oo Gaaray Deegaanka Bangeelle+Sawirro

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay Deegaanka Bangeelle ee dhaca duleedka magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaana ka mid ahaa wafdiga, Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid .

Madaxweyne (Qoor-Qoor iyo wafdigiisa ayaa kasoo amba baxay magaalabada Cabdud-waaq ee gobolka galgaduud waxaana uu qeybo badan uu ka mid ah deegaanada Galmudug iyo Mudug oo kusoo maray safarka socdaalka nabada uu madaxweynuhu ugu talagalay dib u hishiisinta bushlada galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor oo soo dhaweynta ka dib bulshada la hadlay ayaa ka hadlay muhiimada safarka socdaalka waxaana uu sheegay in safarkaan uu yahay mid ay kula tashanayaan bulshada si loo ogaado baahiyaha ka jira si wax looga qabto, waxaana sidoo kale uu uga mahadceliyaya soo dhaweynta ay sameeyeen.

“Waxaa soo dhaweyn nala kugu sameeyay magaalada Bangeele ee Gobolka Galgaduud,Socdaalkaan ayaa qeyb ka ahaa safarka Nabada, wadatashiga iyo xog ogaal unoqoshada Deeganada Galmudug.”Ayuu ku daray hadalkiisa Madaxweyne (Qoor Qoor).

Ugu dambeynta Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay inuu kulamo la qaadan doono dhamman bulshada isla markaana ay ka go,antahay in dowladdu ay wax ka qabato baahiyaha ka jira deegaanka.

Goobjoog News

 

Goobjoog News