U bood dhigaalka

Madaxweynaha Burundi Nkurunziza oo Afgambigii dhicisoobey kadib Al-shabaab ku Af Bilowday

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Burindi Nkurunziza, ayaa markii u horaysay la hadlay warbaahinta caalamiga ah tan iyo markii uu dhacay afgambigii fashilmay ee la doonaayay in dowladdiisa lagu rido isbuucii hore.

Madaxweyne  Pierre Nkurunziza oo hadlay marna masoo hadal qaadin Afgambigii, lakin waxaa uu ka hadlay Khatarta Al-shabaab ee gobolka iyo dalkiisa ay ku heyso.

Inkastoo ninkii Afgambiga ka dambeeyay ee Godefroid Niyombare uu weli baxsad yahay, Isniintana lagu balansan yahay dibad bax looga soo horjeedo Madaxweynaha, waxaa muuqato in Nkurunziza tiisa u caddahay oo ah in mar sedexaad xilka Madaxweynimada uu qabto.