U bood dhigaalka

Madaxweynaha CAF oo yimid Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka soo gaaray madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee qaaradda Afrika Axmed Axmed.

Waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay mas’uulkan wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiin ka socotay xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliyeed.

madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee qaaradda Afrika ayaa booqasho ku tagay qaar kamid ah garoomada kubadda cagta ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxa uu booqday garoomo ay kamid yihiin Muqdisho, Stadium Koonis iyo garoonka Jaamacadaha, wuxuuna soo arkay horumarka ka jira qaar kamid ah garoomadaasi, walow midka Muqdisho ay fariisin u taahay ciidamada AMISOM, uuna ka muuqdo burbur aad u xooggan.

Waxaa lagu wadaa markii uu soo dhameeyo socdaalkiisa madaxweynaha CAF inuu saxaafadda warbixin ka siiyo ulajeedka socdaalkiisa Muqdisho.

Mr Axmed Axmed oo ah 57 sano jir ayaa xilkaan waxaa loo doortay 16-kii bishii hore ee March, 2017.

Goobjoog News