U bood dhigaalka

Madaxweynaha Cusub Ee DDSI Oo Shacabka Ugu Baaqay Xasilooni

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed Ilka Case ayaa shacabka deegaankaasi wuxuu kala hadlay Tv-ga ku hadlay afka maamulkaasi, isaga oo ku baaqay deganaansho iyo ammaan.

Ugu horreyn wuxuu Ilka Case ka hadlay dhacdadii 4-tii bishan ka dhacday magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ay aad uga xun yihiin.

Wuxuu sheegay in shacabka ku nool Jigjiga looga baahan yahay iney ka fogaadaan wax walbo oo burburin kara horumarkii uu deegaanka sameeyey, wax u dhimaya xasiloonida deegaanka iyo in laga shaqeeyo nabadda.

“Waan ka xumahay wixii Jigjiga ka dhacay 4-tii bishan, waxaan idiin ku baaqayaa nabad iyo xasilooni, waa muhiim in nabadda laga wada shaqeeyo” ayuu yiri Ilka Case.

Dhanka kale, Madaxweyne Ilka Case ayaa sheegay in cid walbo oo Itoobiyaan ah ay xaq u leedahay iney ku noolaato halka ay rabto, Soomaalidana laga doonayo iney ixtiraamaan qowmiyadaha kale ee ku dhex nool.

“Sida uu qabo dastuurka federaalka cid walbo oo Itoobiya xaq ayeey u leedahay iney ku noolaato halka ay dalka ka rabto, waxaan leeyahay shacabka Soomaalida ixtiraama dastuurka oo nabadgelyo siiya qowmiyadaha kale ee nala nool” ayuu yiri madaxweynaha DDSI.

Madaxweynihii hore ee DDSI ayaa xilkan ka degay kadib cadaadis uu kala kulmaay dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo ciidamo Milatari ah ay la wareegeen dhammaan magaalada Jigjiga si gaar ahna xarumihii dowlad deegaanka.

Goobjoog News