U bood dhigaalka

Madaxweynaha Cusub Ee Jubbaland Oo Maanta La Dooran Doono

Sheeko:Dalka

Maanta oo ay ku beegan tahay 15-ka August waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Jubbaland, taasi oo ay u taagan yihiin Afar Musharrax.

Saaka magaalada Kismaayo guud ahaan waxaa laga dareemayaa qaban qaabada doorashadaan, iyadoo ammaanka guud ee magaalada uu yahay mid aad loo adkeeyay.

Dhammaan xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa lagu arkayaa ciidamo badan oo amniga xaqiijinaya, xilli magaalada ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin badan oo doonaya inay goobjoog u ahaadaan sida wax loo dooran doono.

Musharraxiinta xilka madaxeynaha Jubbaland ku tartami doona ayaa kala ah:-

  • Axmed Maxamed Islaam Madoobe
  • Hilowle Aadan Maxamed
  • Cismaan Xuseen Feyruus
  • Maxamed Cismaan Yuusuf

 

Shalay waxa ay musharraxiintaan jeediyeen khudbado ay kaga hadlayaan waxa ay qaban doonaan hadii ay xilka madaxtinimo ku guuleystaan.

Hadaba saacadaha soo aadan ayeey si toos ah magaalada Kismaayo uga billaaban doontaa doorashada madaxweynaha Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News