U bood dhigaalka

Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Oo La Caleemo Saaray

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhow waxaa lagu caleema saaray magaalada Haregeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed.

Madaxweyne hore Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilkaan wareejiyey, waxaana munaasabaddan ka qeybgalay mas’uuliyiin dhowr ah oo uu kamid yahay Daahir Riyaale Kaahin oo isna madaxweyne soo noqday.

Madaxweyne Biixi ayaa la dhaariyey, waxaana weli soconeysa munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News