U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Lagu Soo Dhoweeyey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf garoonka Aadan Cadde uga qaatey cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweyne Geelle ayaa ka qeybgali doona munaasabadda Caleema saarka ee madaxweyne Farmaajo, waxaana sidoo kale uu dhagax dhigi doonaa madaxweynaha dhismaha safaaradda Jabuuti.

Waxaa madaxweynaha Jabuuti ka horreeyey mas’uuliyiin ka socotay dalalka Sudan iyo Kuwait, waxaana la sugayaa madax kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News