U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Lagu Soo Dhoweeyay Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta kusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Kenyatta ayaa u yimid magaalada Muqdisho ka qeybgalka shirka madaxda dalalka IGAD oo goor dhow ka furmi doona magaalada, iyadoo loo gelbiyey Kenyatta halka shirka IGAD ka furmi doono.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in madax kale ay yimaadaan  magaala.

Waa shirkii ugu horreeyey ee heerkan ah oo lagu qabto magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka.

k3 k2 k1

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News