U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka, Ra’isul Wasaare Cumar iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Diraya Hambalyada Ciidda.

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyada Ciidda u direy guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in maalmahan fadliga leh awgeed loo baahan yahay in la caawiyo dadka danta yar isla markaana laga farxiyo si dadka kale ula qeybsadaan farxadda munaasabadda ciida.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa dhankiisa waxaa uu hambalyo u direy dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Adxa awgeed.

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” ayaa waxaa uu ciidul Adxa awgeed hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay in ay is gacan qabtaan.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligan la joogo ay ka dhamaanayso is aaminaad la’aantii muddo ka dhexjirtay.