U bood dhigaalka

Madaxweynaha DDS: ONLF Waa Dad Ka Dhiidhiyey Dhibaatooyinka Shacabkooda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Muxumed   oo ka hadlayey xaflad lagu soo dhoweynayey hoggaamiyaha jabhadda ONLF, Admiral Maxamed Cumar ayaa ammaanay jabhadda gobannimo-doonka ONLF isaga oo sheegay  in loo baahanyahay sidii dhibaatooyinkii dhacay looga qaadan lahaa cashar.

Mustaf Cumar oo arrinkaas ka hadlayey wuxuu yiri “ Waxaa loo baahanyahay shalay wixii dhacay in aan waxbarasho ka qaadano, feejignaano, oo aan ka feejignaano wax kasta oo nagu celin kara wixii shalay dhibaatooyinka keenay, in wadatashi iyo dulqaad aan uga gudubno wax walbo oo dhexdeena yaalo”.

Madaxweyne Mustaf waxaa uu ka hadlay in Itoobiya gashay siyaasad cusub “Dalka siyaasad cusub ayuu galay, siyaasaddaas cusub nafteeda diyaar-garow ayey u baahantahay, innaga diyaar ayaan u nahay in shacabka iyo jabhadda ONLF aan kala shaqeyno sidii danta guud looga wada shaqeyn lahaa, wax kasta oo soo baxa waa in si degan, oo caadifad laheyn looga xaajoodo, waxaan wada hadal u tagi-doonnaa Jigjiga, soo dhawaada dhammaan xubnaha muddada dheer ka dhiidhiyey dhibaatooyinka shacabkooda”.

Hadalkan wuxuu ka jeediyey xaflad Adis loogu qabtay hoggamiyaha jabhahda ONLF, Admiral Maxamed Cumar, madaxda jabhadda oo Itoobiya dib ugu soo laabatay ayaa maanta ku sii-jeeda Jigjiga.

Goobjoog News