U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dowlad K/Galbeed Oo la Kulmay Wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Hay”adda WFP.

Sheeko:Dalka

Wafdigan uu Hogaaminayey Madaxa Hay”adda WFP Casar Arroyo ee Manta Soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ujeedkiisa ahaa sidii ay u ogaan lahayeen Xaaladaha Kajira Deegnaadda Koonfur Galbeed Somaliya.

Xarunta Aqalka Madaxtooyada kumeel Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo Wafdiga waxaa kulan kula Qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Qaar ka Tirsan Golihiisa Wasiirada.

Waxaana Kulanka inta uu Socday looga hadlay Sidii Hay”adda WFP ay u kordhin lahayd Arimaha Gargaarka ee ay ka wado Deeganadda Koonfur Galbeed Somaliya Waxaana Madaxa Hay”adda WFP uu Sheegey inay kordhin Doonan Kaalmada Bini adan nimo ee ay ka wadan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay”adda WFP Waxaana uu ku dhiiro Geliyey inay kordhiyaan Sidii Kaalmada Bini adan nimo ee ay kawadan Koonfur Galbeed ay u joog tayn lahayeen.

Goobjoog News