U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Oo Magaalada Muqdisho Uga Qeybgalay Xuska Maalinta Midowga Yurub (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu maamusayey maalinta Midowga Yurub oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeya labada dhinac uu yahay mid qota dheer oo soo bilowday tan iyo markii ay Soomaaliya xornimadeedii qaadatey, ilaa waqtigan la joogana uu xooggan yahay.

“Midowga Yurub waxay gacan weyn ka geysteen dib u soo kabashada Soomaaliya, ha noqoto dhanka dib u dhiska dalka, amniga iyo mashaariicda horumarinta. Inagoo taageeradaas ka faa’ideysaneyna ayaan waxaan ku tallaabsaney guulo la taaban karo. Soomaaliya horay ayay u dhaqaaqdey, umana joogsaneyso cadowga argagixisada ee doonaya inay dib inoo celiyaan’’.

Madaxweynaha ayaa xusay in ciidammada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay dagaalo ba’an u hayaan ku Al Shabaab, isla markaana kooxdaasi argagixisada ay meesha ka sii wadaan weeraradoodii naf la caariga ahaa, iyagoo saaka weerar fulaynimo ah oo ay soo qaadeen ay ku dileen shan askari oo ka tirsanaa ciidammada booliska.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay in dhalinyarada ay yihiin mustaqbalka dalka, loona baahan yahay inay ka faa’iideystaan fursaddaasi, siiba dhinacyada siyaasadda iyo horumarka.

“Waxaan Midowga Yurub iyo beesha caalamka ka codsaneynaa inay gacan nagu siiyaan sidii xarumo dhinaca mihnadaha loogu abuuri lahaa dhalinyaradeena si ay xirfado shaqo uga bartaan. Dhalinyaradeena waa inaan ka soo weecinaa Al Shabaab, isla markaana tusnaa inay jiraan fursado wanaagsan oo nololeed oo aan wax xiriir ah la lahayn xagjirnimada’’.
Waxaa uu dambeyn Madaxweynaha uga mahadceliyay Midowga Yurub dadaalkooda dhinaca la dagaalanka burcad badeedka, badbaadinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibka, iyo taageerada kala duwan ee ay Soomaaliya u fidinayaan.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha caddeeyay inay jiraan wadahadalo u socda Soomaaliya iyo Talyaaniga kuna aaddan sidii dhalinyarada tahriibka ku gashey Talyaaniga dib ay si khiyaari ah ugu soo laaban lahaayeen waddanka, looguna abuuri lahaa fursado nololeed oo wanaagsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sidoo kale booqday dhulka cusub ee laga dhisayo xarunta Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho.

Munaabadda waxaa sidoo kale ka hadley Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone D’Urso.

s7 s6 s5 s4 s3 s2 s1

——————–DHAMMAAD–————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya