U bood dhigaalka

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo Gaaray Beirut

Sheeko:Caalamka

Madaxweyneha  Faransiiska Emmanuel Macron ayaa gaaray magaalada Beyruut kaddib qaraxii ka dhacay halkaasi.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay jawaab deg deg ah oo ku aadan xal u helidda qalalaasaha siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee saameeyay Lubnaan.

Macron wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in haddii aan wax isbaddal ah looga dhawaaqin Lubnaan in dalkaas uu dhibaatada kusii jiri doono.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Lubnaan wuxuu sheegay in guddiga baarayaa qaraxii ka dhacay Beyruut la siiyay muddo afar maalmood ah si loo ogaado cidda ka dambeysa masiibada.

Lubnaan waxaa looga dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah lagu xusayo dadkii ku dhintay qaraxa.

Madaxweyne Macroon ayaa sidoo kale kormeeray qeybo ka mid ah goobaha uu qaraxu saameyay uu bur bur xooggan ay ka muuqdaan waxaana uu caalamka ugu baaqay in loosoo gurmado dadka wax yeeladu ay kasoo gaartay.

Goobjoog News