U bood dhigaalka

Madaxweynaha Faransiiska Macron Oo Booqasho Ku Maraya Afrika

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho ku mari-doona qaar ka mid ah wadamada qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin Burkina Fasko, Ghana iyo Côte d’Ivoire sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Faransiiska ee AFP.

Macron ayaa haatan ku sugan Burkina Fasko, isaga oo la kulmi-doona arday, isla markaana furi-doona mashaariic horumarineed oo dalkiisa maalgelinayo.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa lagu wadaa in uu uga sii gudbo Abidjan halkaasi oo ay ka dhaceyso shir madaxeedka 5aad ee Yurub iyo Afrika.

Macron waxaa uu sidoo kale arabacada furi-doonaa Mitro Abidjan oo ay ku baxeysa 1.4 Bilyan euro oo Faransiiska ammaah ahaan u siiyeen dalkaasi Côte d’Ivoire

Dhanka kale, Madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Mareykanka oo khadka Telefanka ku wada hadlay ayaa ku heshiiyay in laga hortago dhaq-dhaqaaqyada Iran ay ka waddo gobolka Bariga dhexe gaar ahaan Suuriya.

Goobjoog News