U bood dhigaalka

Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Qeydiid oo gaaray Cadaado

Sheeko:Dalka

Cabdi Qeybdiib iyo waftigiisa ayaa soo gaaray magaalada Cadaado si ay uga qeyb galaan shirka Mideynta iyo Maamul u sameynta gobolada dhexe ee  ka furmaya halkaas.

Careys Maxamed Xaaji Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb oo la hadlay Warbaahinta Goobjoog ayaa intaa ku daray in Cadaado horay usoo gaareen Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb Cabdullahi Cali Maxamed iyo wufuud kale oo kala timid dhamaan Gobolada Mugud iyo Galgaduud.

Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in Cadaado laga filayo Maamulka Ahlu-Suna Wal Jamaaca iyo wufuud kale uu sheegay in ay ka imaanayaan dibadda.

Qeybdiid ayaa tagay shirka Cadaado iyadoo uu khilaaf kala dhaxeeyo maamulka Puntland, Khillaafkan ayaa sii weynaaday oo hadda waxaa lagusoo waramayaa in ay xiran yihiin Labadii Garoon ee Magaalabad Galkacyo.

Wareysiga Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb Halkan ka dhageyso