U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Iyo Safiirka Midowga Yurub Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta waxa uu kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka Midowga Yurub Soomaaliya Ambassador – Ms Veronique LORENZO.

Kulankani ayaa waxaa looga hadalayay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Xaalada magaalada Gaalkacyo, Arrimaha Doorashooyinka, waxbarashada, ciidamada iyo Hormarinta Adeegyada Bulshada.

Arrinta magaalada Gaalkacyo ayaa kulanka xoogga lagu saaray  waxaana Midowga Yurub ay sheegeen in ay gacan ka geysanayaan sidii colaaddaas loo soo afjari lahaa.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in Galmudug ay mar kasta u taagan tahay inay ka shaqeyso nabadda isla markaana uu rajaynayo in dhammaatay colaaddii Gaalkacyo.

Wuxuu sidoo kale u gudbiyay baahiyaha maamul oo ay qabaan sida in laga caawiyo horumarinta waxbarashada, ammaanka iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee dalku uu leeyahay.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

guuleed-iyo-sariifka-midowga-yurub-1 guuleed-iyo-sariifka-midowga-yurub-4 guuleed-iyo-sariifka-midowga-yurub-ok guuleed-iyo-sariifka-midowga-yurub-2

Goobjoog News