U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Godinlabe Iyo Dagaal Halkaas Ka Socda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu la socdo madaxweyne ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa ayaa gaaray degaanka Godinlabe.

Dagaal ayaa dib uga qarxay degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud halkaasoo maanta ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca iyo koox malleeshiyo beeleed ah oo markii hore saaka magaalada laga saaray.

Madaxweyne Guuleed oo ay galbinayaan baabuurta dagaalka ayaa degaankaasi lagu soo dhoweeyay waxaana degaankaasi ka soconaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wararka ay heleyso Goobjoog News ayaa sheegaya in madaxweyne Cabdikariin Guuleed degaanka Godinlabe uu u gaaray sidii uu u soo indha indheyn lahaa xaaladda sida ay tahay islamarkaana loo beenin lahaa warar ay baahiyeen warbaahinta oo ka badbadis noqday kuwaasoo sheegayay in Ahlu Sunna ay qarka u saaran tahay magaalada caasimadda ah ee Cadaado.

Xaaladda degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud oo kacsan dib kala soco Goobjoog News

Goobjoog News