U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug “Madaxweyne Gaas Waxaa Ka Wada Hadalnay Colaadda Gaalkacyo”

Sheeko:Dalka

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu sheegay inay ka xun yihiin dagaallada iyo xiisadaha colaadeed ee weli ka jira magaalada Gaalkacyo iyo galbeedka magaaladaasi ee gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay in shacab badan ay isaga barakaceen magaalada islamarkaana ay wanaagsan tahay in laga shaqeeyo nabadgalyada si maamullada xilka uga saran wada noolaanshiyaha dadka ay u xaqiijiyaan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dagaallada galbeedka Gaalkacyo ay ka wada hadleen dhiggiisa maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) islamarkaana ay isla meel dhigeen in guddi labada dhinac ah loo xil saaro heshiis laga gaarayo colaadda hadda taagan.

Arrinta ku saabsan dagaallada, rabshadaha iyo colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo runtii waa ayaandarro aad iyo aad u weyn magaalada Gaalkacyo oo aan ku tilmaami karo inay tahay magaalada kaliya ee Soomaaliyeed ee u kala qeybsan xag maamul iyo xag shacab waana ka xunnahay in dadku ay sii barakaceen, mana ku faraxsanin colaadda Gaalkacyo ka taagan” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug MR. Guuleed ayaa dhanka kale sheegay in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ay ku wada hadleen qadka telefoonka islamarkaana ay ka wada hadleen arrinta Gaalkacyo.

“Waxaan telefoon isku maqalnay saaxiibkeey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas waxaana isku afgaranay in guddi aan u saarno oo wasiirro aan soo diro isna uu soo diro ergo dhankiisa ka socota, labadii ergona waxay joogaan Gaalkacyo, waxaana rajaynayaa inay xal ka gaari doonaan xasaradaha Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii ka dhacay magaalada Gaalkacyo sanadkii la soo dhaafay 2015 oo uu tilmaamay inay ka Galmudug ahaan u arkaan mid muhiim ah oo ay dhowrayaan inuu dhaqan gelo.

Magaalada Gaalkacyo weli waxaa ka maqan dadkii shacabka ahaa oo magaalada isaga baxay kadib markii colaadda galbeedka magaalada ka taagan ay saameyn ku yeelatay.

Goobjoog News