U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Booqanaya Hobyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka  Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaas oo uu ka socdo shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta qaar kamid ah beelaha Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada, Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha ee Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galaya shirka ka socda Magalada Hobyo.

Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan degmada Hobyo waxaa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxaa inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka mid yahay madaxda lagu casuumay shirka Hobyo oo lagu wado inuu dhawaan soo xirmo, waxaana la filayaa in Hobyo ay gaari doonaan madax kale oo shirka xiritaankiisa ka qeyb galidoonaa.Image may contain: 1 personImage may contain: 2 people

Image may contain: 2 people, people standing, sky, wedding and outdoor

Image may contain: 2 people

Image may contain: 3 people, wedding, sky and outdoor

Image may contain: 2 people, people smiling, outdoor

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing, wedding and outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing Goobjoog News