U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado u Tagay La Dagaalanka Covid-19

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa maanta gelinkii dambe gaartay magaalada Cadaado diyaarad siday shixnad gargaar  caafimaad ah oo ay la socdeen dhaqaatiir iyo howlwadeenno caafimaad kuwaas oo la filaayo in ay sameeyaan baaritaanno la xiriira xanuunka Coronavirus oo saameeyey magaalada Cadaado oo dad ku dhow 10 ruux ay u geeriyoodeen COVID-19

Agabka caafimaadka  oo lagu wareejiyey gudoomiyaha degmada Cadado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa isugu jirta qalabka marada ah ee wajiga lagu xirto, (Face mask), gacmo gashi, sariiro, qalabka  neefta siiya bukaanada qaba xanuunka COVID-19, guddoomiyaha ayaana ka mahad celiyey qalabkaan la soo gaarsiiyey xili baahi loo qabay.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa intaas ku daray  dhakhaatiirta ay dowladda Federaalka u soo dirtay Cadaado ay ku sameyn doonaan baaritaanno bukaannada lagaga shakisan yahay  in ay qabaan cudurka, iasaga oo carabka ku adkeeyey in la sugayo jawaabaha ka soo baxa baaritaannada la sameyn doono sida uu sheegay Tootoole.

Agabkaan caafimaad ee la gaarsiiyey magaalada Cadaado ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maanta galinkii dambe safar aan horay loo shaacin uu magaalada ku tagay wafdi uu hogaaminaayey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxaana la filayaa inuu tago xarunta loo diyaariyey in lagu karaantiilka dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19 taas oo u baahan in la qalabeeyo sida uu sheegay maamulka magaalada Cadadado.

Goobjoog News