U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Dib Ugu Laabtay Cadaado Kaddib Doorashadii Jowhar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo qaar kamid ah xubnaha aqalka sare ee Galmudug ayaa dib ugu laabtay magaalada Cadaado.

Wafdigani uu hoggaaminayay madaxweyne Guuleed ayaa magaalada Jowhar kaga qeyb galay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Hirshabeelle oo shalay galab ka dhacday magaaladaasi.

Wafdiga madaxweynaha oo xalay baryay magaalada Cadaado ayaa dib ugu laabtay magaalada Cadaado.

Xubnihii aqalka sare ee Madaxweyne Guuleed kala qeyb galay doorashadii Jowhar waxaa kamid ah Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) iyo Cabdi Axmed Dhuxulow(Dhagdheer).

Garoonka magaalada Cadaado waxaa ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo saraakiil ciidanka booliska Galmudug ka tirsan.

Madaxweynaha maamulka Galmudug MR Guuleed ayaa bogaadiyay dowlad goboleedka cusub ee Hirshabeelle oo dhismihiisa lagu dhammeystiray shalay magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.

Goobjoog News