U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Tagey Gaalkacyo Xilli Maamulkiisa Cabasho Ka Yahay Ciidanka Danab Ee Ku Sugan Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli uu deegaannada maamulkiisa ka taliyo uga maqnaa arrimo dhanka caafimaadka ah.

Guuleed ayaa diyaaraddii sidday waxay ka degtay Garoonka Okaasho ee maagaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka gobolka Mudug, kan magaalada Gaalkacyo iyo shacab farabadan.

Si kooban ayuu halkaasi kula hadlay saxaafadda, wuxuuna sheegay Guuleed in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan, isaga oo tilmaamay dhanka kale in uu billaabayo howlihiisa shaqo.

Tagista magaalada Gaalkacyo ee madaxweynaha Galmudug ayaa imaaanaysa xilli maamulka magaaladaasi iyo kan gobolka Mudug ay cabsho ka muujiyeen ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran, kuwaasi oo howlgallo ka sameeyay Koonfurta Gaalkacyo.

Waxay sheegeen in aan lagala tashan howlgalladan, islamarkaana aysan u dulqaadan doonin in waxa aysan ogeyn laga sameeyo magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug.

Madaxweyne Guuleed arrinkaasi kama aanu hadal, hase ahaatee waxaa la hadal hayaa in kulamo kadib uu arrimahaasi ka hadli doono.

Goobjoog News