U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Isbitaal Ka Dhagax Dhigay Deegaanka Af-barwaaqo

Sheeko:Caafimaadka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhagax dhigay dhismaha Isbitaal la qorsheynayo in laga hirgeliyo markii u horeeysay muddo 30 ka badan deegaanka Af-barwaaqo oo ka mida deegaannada ay ka jireen dhibaatooyinka la xariira dhanka adeegga caafimaadka

Dhagax dhiga isbitaalkaan ayaa haddii uu hirgalo waxa uu wax weyn ka tarayaa dhibaatooyinka dhanka caafimaadka ee ay la daalaa dhacayaan Bulshada Af-barwaaqo degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.

Maamulka iyo bulshada deegaanka ayaa soo dhaweeyay dhagax dhiga isbitaalkaan, iyagoo sheegay in ay baahi weyn u qabaan helitaanka adeeg caafimaad oo dhameystiran.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystirayo dhismaha isbitaalka, isagoo dhanka kalana ku booriyay bulshada Af-barwaaqo iyo qurba joogta ka soo jeeda deegaankaasi inay kaalintooda ka qaataan horumarinta adeegyada aas aaska u ah nolasha aadana.     Goobjoog News