U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Ka Hadlay Dagaalkii Ay Ciidamada Dowladda Kula Wareegeen Deegaanka Wabxo Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlayay la wareegistii ciidamada dowladda ee Wabxo, isaga oo sheegay in arrinkaasi ay aad usoo dhaweynayaan.

War-saxaafadeedka ayaa sidaan u qornaa:-

Madaxweynaha Dowladda Galmudug  Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo sifeynta kooxaha nabad-diidka ah oo maanta laga sifeeyey magaalada Wabxo ee degmada Ceelbuur.

Madaxweynaha GalMudug ayaa yiri “Guusha ay ciidamadu kaga sifeeyeen kooxaha argagaxisada Magaalada Wabxo waxey fursad siineysaa in shacabka deegaanku ay cabsida ka baxaan una soo jeestaan inay horumarka deegaanka kala shaqeeyaan Dowladda GalMudug”.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayey dagaalkii Wabxo looga xoreeyey kooxaha nabad-diidka ah ayaa yiri “Waxaan marka hore ammaan iyo bogaadin u soo jeedineynaa ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo iyaga oo kaashanaya shacabka deegaanka ku guuleystay in kooxaha argagaxisada ah laga sifeeyo Magaalada Wabxo. Waa fursad qaali ah oo shacabka deegaanku ku helayaan neecow nabadeed, isla markaana cabsidii iyo welwelkii kooxaha argagaxisada ay kaga baxayaan.”

Madaxweyne Guuleed ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka deegaankaas gar-gaar lala soo gaaro, wuxuuna yiri “Shacabka Wabxo iyo dhammaan deegaanada laga xorreeyey Al-Shabaab waxay nooga baahanyihiin inaanu si deg-deg ah ula gaarno gar-gaar bini’aadanimo iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga si shacabka deegaanku u dareemaan faa’iidada ay dowladnimadu leedahay. Shacabka deegaanka waxay muddo ku hoos jireen gacanta argagaxisada oo hanjabaad iyo cagajugleyn ku hayay mudo dheer, maantana waxay u baahanyihiin inay dareemaan xoriyad si ay mustaqbalkooda uga fikiraan.”

Madaxweynaha ayaa Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ugu baaqay in shacabka deegaanada la xoreeyey si deg-deg ah loo soo gaaro, wuxuuna yiri “Dowladda GalMudug waa mid curdun ah oo aan wali awoodin inay adeegyada aasaasiga ah gaarsiiso deegaanada laga xoreeyey kooxaha aragagaxisada ah, sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa shacabka GalMudug, gaar ahaan ganacsatada iyo qurbojoogta, Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka in ay si deg-deg ah gurmad ula soo gaaraan deegaanada dhawaan la xoreeyay”.

DHAMAAD

Goobjoog News