U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Kala Diray Golahii Deegaanka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu kala diray dhammaan golahii deegaanka magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Digreeto uu soo saaray madaxweynaha Galmudug, welina aan saxaafadda loo qeybin ayaa lagu kala diray Golahan, iyadoo la guda geli doono soo xulista cusub ee golaha deegaanka magaaladaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay Goobjoog News, in saacadaha soo aadan la baahin doono wareegtada kala dirista golahan, iyadoo markii kuwa cusub lasoo dhisayana ay dooran doonaan duqa magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Mr Guuleed uu xilkii ka qaaday gudoomiyahii gobalka Mudug ee maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid.

Qaar ka mid ah xubnihii golaha deegaanka ee la kala diray oo aynu qadka Taleefanka ku helnay ayaa inoo sheegay inay ku faraxsan yihiin kala diristooda, islamarkaana ay haatan billaabayaan qalqaalada inay dib ugu soo laabtaan golaha la dhisayo.

Goobjoog News