U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Lacag 50-kun Oo Doolar Ugu Yaboohay Dhismaha Wadada Isku Xirta Hobyo Iyo Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kormeer waxa uu ku tagay wada isku xirta Hobyo iyo magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo dhisme dib u habeyn ah uu ka soconayo.

Guuleed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dhismaha wadadaasi ku biirinayaan lacag dhan 50-kun oo doolar maadaama uu sheegay in weli maamulkiisa aanu tabareysan.

Waxa uu u mahad celiyay Guddiga GOB ee wada dhismaha wadadaan, iyadoo la ogyahay in shacabka Galmudug ay horay u bilaabeen dhismaha wadadani.

“Waxaan ku faraxsanahay in shacabka Soomaaliyeed ay isku tashtaan, islamarkaana u istaagaan in wadadaan ay dhistaan, sidaa darteed anigane ka maamul ahaan waxaan ku yaboohnay lacag dhan 50-kun oo doolar, waan ogahay in aysan lacagtaasi waxbo ahayn, hase ahaatee waa tabarta maamulkaan bilawga ah” ayuu yiri Guuleed.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka go’an yahay dib usoo nooleynta goobaha bulshada loogu adeego.

Goobjoog News