U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Maamul Cusub u Magacaabay Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobalka Mudug iyo ku xigeenadiisa , ka dib markii xilka laga qaaday gudoomiyahii hore ee gobalkaasi Aways Cali Siciid.

Munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa lagu shaaciyay wareegtada magacaabista Gudoomiyaha cusub ee gobalka Mudug iyo ku xigeenadiisa.

Magacyada mas’uuliyiinta iyo xilalka loo kala magacaabay:-

  • C/rashiid Xaashi Cartan (Gudoomiyaha Gobalka Mudug)
  • Cabdi Xuseen Sheekh Axmed (Gudoomiye Ku xigeenka Arrimaha Siyaasada iyo Amniga ee gobolka Mudug)
  • Axmed Maxamed Shire (Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iy Maaliyadda ee gobolka Mudug)
  • Maxamed Ali Adan (Guddoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada ee gobolka Mudug)

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiintaan la magacaabay in ay la yimaadaan shaqo dheeraad ah iyo horumar laga sameeyo gobalka Mudug.

Guuleed ayaa dhinaca kale ku amaanay gudoomiyahii hore ee gobalka Mudug Aways Cali Siciid inuu soo qabtay howlo badan islamarkaana usoo dhabar adeegay marxalado badan oo gobalkaasi uu soo maray.

Goobjoog News