U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Maanta Safar Deg Deg ah Ku Gaaray Magaalada Cadaado

Sheeko:Caafimaadka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray  Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaana loo soo galbiyey madaxtooyada magaalada Cadaado.

Madaxweyne Qoorqoor waxaa safarka uu gaaray Cadaado ku wehlinaya Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, wasiirro, xildhibaanno iyo xubno kale waxaana garoonka diyaaradaha ee duleedka bari magaalada Cadado kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa waxaa lagu wadaa Inta uu ku sugan yahay magaalada Cadaado inuu  kulamo kala duwan uu la qaato Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo Bulshada, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan  oo ay ugu horeyso saameynta xanuunka Coronavirus oo dhowr qof u geeriyootay

Sidoo kale waxaa uu kormeer ku tegi doonaa sida la sheegay xarumo ku yaalla Magaalada Cadaado oo loogu talo galay in lagu karaantiilo dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19 oo maamulka degmada ay horay u sheegeen inaysan qalabaysneen waxaana wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo federaalka ka dalbadeen in loo qalabeeyo.

Safarka Madaxweynaha Galmudug uu maanta ku gaaray magaalada Cadado ayaa ah safakii ugu horeeyey tan iyo markii loo doortay Galmudug Ammaanka Guud ee Magaalada  Cadaado ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Galmudug iyo kuwa ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugan gudaha cadaado.

Goobjoog News