U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Wasiirro Cusub oo Ku Biiraya Golaha Wasiirrada

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlada goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” ayaa maanta magacaabay labo wasiir oo cusub kuwaas oo ku biirayo wasiiradii dhowaan uu madaxweynaha magacaabay, madaxweynaha ayaana magacaabay wasiirrada Qorsheynta iyo hormarinta dhaqaalaha Galmudug iyo wasiirka xanaanada Xoolaha  Qoraal kooban ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yiri.

“Markuu arkay: qodobka 50aad, farqadiisa 4aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug;
Markuu tixgeliyay: baahida looqabo magacaabidda Golaha Wasiirada Galmudug;
Markuu Garowsaday: Hawlaha baaxadda leh ee shacabka Galmudug ka sugayaan xukuumadda cusub;
Markuu la tashaday : Madaxweyne ku- xigeenka Galmudug.

Wuxuu xeeriyay magacaabidda laba wasaaradood oo ka dhinaa Golaha wasiirrada Galmudug oo kala ah:-
1) Cabdinaasir Geelle Elmi, wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
2) Maxamed Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha”

 

Goobjoog News