U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Xubnaha Ku Matalayo Guddiga Farsamo Ee Doorashooyinka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay Guddiga Farmada ee ka shaqeyn doona hanaanka doorashooyinka xubnaha uga soo aadday maamulka Galmudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in xubnahaan ay ku biiri doonaan kuwii horay ay usoo Magacaabeen maamulada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday madaxweyne Qoorqoor ayaa sidaan u qorneyd

Markuu arkay; qodobka 50aad, Faqradiisa 4aad, ee Dastuurka Dowladda Galmudug, markuu tixgeliyey; qodobka 5aad ee war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Qodobkaas oo farayay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, si ay uga talobixiyaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Galmudug waxayna kala yihiin:-

1- Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel) Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug.

2- Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Somalia, Gudoomiyihii Xisbiga Wadajir, Musharax Galmudug mar isku sharaxay iyo lataliye sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxwaynaha Galmudug.

Dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada kala Puntland, Jubbaland, Hir-Shabelle, ayaa horay u soo magacaabay xubnaha ku meteli doona guddiga farsamo ee kasoo talo-bixinaya hannaanka doorashooyinka dalka.

Goobjoog News