U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabaya Guddi Ciidamada Abaabula

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa lagu soo waramayaa in uu wado la tashiyo ku aaddan sidii la’iskugu duba ridi lahaa ciidamo uu yeesho maamulkiisa cusub ee Galmudug.

Ciidamada uu ku tashanayo maamulkani ayaa horey oga kala tirsanaa maamuladii ka jirey gobolada dhexe sida Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug, kuwaasi oo kala leh taliyeyaal kala duwan, islamarkaasina kala jooga goobo kala duwan.

Ma jiro xiriir badan iyo wadashaqeyn ka dhaxeeya ciidamadaasi iyo waliba kuwa kale oo qaab qabiil u abaabulan.

Haatan madaxweynaha cusub waxa uu doonayaa in guddiga uu dhisayo ay marka hore isku dhafaan ciidamadaasi kala duwan, sameeyaan xarun dhexe oo looga taliyo, kadibna uu madaxweynaha magacaabo taliyeyaashii ciidamada, lana dajiyo meelo kala duwan oo cayiman ka hor inta hawlgalada ay ka bilaabanayaan.

Mid ka mid ah hawlaha waaweyn ee u yaala madaxweynaha cusub ayaa ah in uu gacanta maamulka soo galiyo deegaanada ka maqan, waxaana deegaanadaasi ka mid ah kuwa ay gacanta ku hayaan Alshabaab iyo kuwa aysan ciddina ka talin oo ay beelo ku suganyihiin.

Dhawaan madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Cawaale Qeybdiid oo hadal u jeediyey ciidamo isaga taabacsan oo Gaalkacayo ku sugan ayaa faray ciidamada in ay taageeraan madaxda cusub ee Galmudug.

Horey waxa uu madaxweynaha u magacaabay guddi heer sare ah oo kala shaqeeya dajinta qorshaha boqolka maalmood ee ugu horeeya dowlad goboleedka Galmudug.

Goobjoog News