U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Nabad Ugu Baaqay Dagaallo Ka Socda Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa si wadajir ah baaq nabadeed ugu diray dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaaday xadlka gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa marka hore tacsi u diray qoysaska dadkii ku geeyidooday dagaalka, isaga oo kuwa dhaawaca allah uga baryey in uu caafimaad siiyo, waxaana uu intaas ku daray in maamulka Galmudug uu ciidamo iyo mas’uuliyiin uu u diray goobihii lagu dagaalamay si ay waanwaan uga dhexraadiyaan labada dhinac loona baajiyo hiig danbe oo si macno darri ah u daato.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Waxaan si wadajir ah u cambaarneynaa dagaalada nasiib darrada ah ee kasocda gudaha xadka ay wadaagaan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxdu waxay xanuunka la qaybsanayaan una tacsiyaynayaan dadka ehelkoodu ku dhinteen dagaaladaasi iyo kuwa ku dhawacmeen. waxayna Alle uga baryeen inta dhimatay inuu u naxariisto, inta dhaawacaana u booga dhayo. waxay sidoo kale amreen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka loona dhaga-nuglaado baaqyada nabadeed ee madaxda iyo waxgaradka samaha jecel.

Madaxda waxay kaloo ay xuseen in ciidamo iyo dad masuuliyiin ah u direen deegaanada dagaaladu ka socdaan si loo joojiyo colaada, sidoo kalana ay xiriiro kala sameeyeen madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ka qayb qaadashada joojinta colaada ka taagan xuduudka ay wadaagaan”.

Hadalka ka soo baxay madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo xadlka gobolka Galgaduud uu la wadaago wadanka Itoobiya uu ka soo cusboonaaday dagaal beeleedyo kaas oo dhimayo dhaawac badan uu ka dhashay oo soo gaaray labada dhinac.

Goobjoog News