U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Puntland u Tacsiyeeyey

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyey dilkii  loo geystay guddoomihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Axmed Muuse Nuur Yarre oo maanta Gaalkacyo ugu geeriyooday qarax lagu weeraray xarunta maamulka gobolka Mudug ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa tacsi u diray maxada iyo dhammaan shacabka dowlad doboleedka Puntland iyo weliba Eleadii uu ka baxay guddoomiyahii gobolka Mudud waxaa uu xusay in muruga iyo tiiraanyada ay la qeybsanayaan shacabka dowlad goboleedka Puntland waxuuna yiri mar uu arrintaas ka hadlaayey.

“Waxaa nasoo gaartay in cadowga Argagixisada ah ay qarax ka geysteen dowlad goboleedka walaalaha ah ee aan deriska nahay uuna ku dhintay guddoomiyihii gobolka Mudug, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa madaxda, shacabka iyo dhammaan reer Puntland waxaana uga tacsiyeenaynaa dhibaataaas Argigixisadu geysatay insha allah waana ay heli doonaan waxaa ay mudan yihiin” ayuu hadalkiisa kusoo gaban gabeeyey Madaxweynaha.

Hadalka galabta ka soo yeeray madaxweynaha doowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta magaalada Gaalkacyo oo ay wada maamulaan labada dhinac Puntland iyo Galmudug uu ka dhacay qarax lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur Yarre.

Goobjoog News