U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Safarkii Ugu Horeeyay Ugu Ambabaxay Dalka Dibadiisa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa safar shaqo ugu amba baxay maanta Dalka Turkiga Inta uusan dhoofin garoonka diyaaraddaha Aadan Cade, ayuu shir jaraa’id ku qabtay, kuna faaf-faahiyey arrimo badan waxa uuna carabka ku adkeeyay in shirka Dhuusamareeb ku qabsoomi doonno waqtigii lagu ballamay.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore isagoona ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb-galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is afgarad.

Halkan Ka Eeg Sawiradda Safarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor

 

Goobjoog News