U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Sixiixay Shuruuc Dhowr ah

Sheeko:Amniga

Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Galmudug  ayaa  Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug waxa uu ku sixiixay shuruuc muhiim ah oo kala ah, kuwaas oo horay ku soo meel mariyey golaha wakiillada.

Sharciyada ayaa kala ah:

Shariga Maarreynta Deegaanka,

Sharciga Hay’adaha,

Sharciga Dhismaha Booliiska

Sharciga Dowalaha Hoose.

Shuruucdan waxaa soo diyaariyey Wasaaradaha kala ah;

Deegaanka,

Qorsheynta,

Amniga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu Golaha Barlamaanka iyo Wasiirada Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoo xusay in shuruucdu ay gundhig u noqon doonto in sifo sharci ah Xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.

Goobjoog News