U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Tababar u Furay Ciidan Kamid Noqonaya Darawiishta Galmudug

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar u furay ciidamo loo tababarayo in ay qeyb ka noqdaan ciidanka daraawiishta Galmudug, kuwaa oo lagu tababarayo xerada tababarka Indha Qaris oo ku taala duleedka Barri ee deegaanka Docol oo hoostaga degmada Gaalkacyo.

Furitaanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Macalin Fiqi in ciidamada tababarka loo furay ay qeyb ka noqan doonaan ciidamada daraawiishta Galmudug, isagoo intaa ku daray in wixii hadda ka danbeeya mas’uuliyadooda xuquuqeed ay saaran tahay dowlad gobaleedka Galmudug hadeey horay u ahaayeen ciidamo beeleed.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dar daarmay ciidamada tababarka loo furay in ay xil iska saartaan mas’uuliyadda saaran ee ay ka mid tahay difaaca dalka, gaar ahaan deegaannada Galmudug kuwaa oo qaarkood gacanta ugu jira cadow loo baahan yahay in laga xoreeyo.

Goobjoog News