U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Wada Hadal Ugu Baaqay Ahlu-sunna Waljameeca

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay maamulka Alu-sunna Waljameeca ee diiddan maamulkiisa in ay soo fariistaan miiska wada hadalka si wax walba loo dhameeyo.

Guuleed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay dareensan yihiin in Ahlu-sunna ay tahay awood ka maqan Galmudug, sidaa darteedna ay doonayaan in wax walbo la xalliyo.

“Galmudug waxay siyaasadeedu ku qotantaa in wax walbo oo khilaaf ka dhexjira Galmudug dhexdeeda inaan xallino, Ahlu-sunna Waljameeca waxaan ugu baaqayey illaa hadane ugu baaqayaa in wixii ay qabaan ay miiska wada hadallada ku sheegtaan annagane dhankeena aan diyaar u nahay wax walbo oo tanaasul ah, waxana u aragnaa inay yihiin awood walaalaheena ah oo naga maqan cadowageenana aan meel uga soo wada jeedsanno” ayuu yiri Guuleed.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa horay u sheegtay in gabi ahaanba aanay aqoonsaneen maamulka Galmudug State oo hadda xarun KMG ah u ah degmada Cadaado.

Maamulka Galmudug waxa uu sheegaa in marnaba aanay ka daalli doonin dadaallada ay ku doonayaan in wada hadallo kula furaan Ahlu-sunna Waljameeca.

Goobjoog News