U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Warbixiyay Safarkiisa Djibouti

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo Dalka dib ugu soo laabtay, kaddib  safar shaqo Uu Ku tagay Jamhuuriyadda Jibuuti ayaa Ka warbixiyay Safarkaasi iyo shirarka Uu LA soo qaatay madaxda Dalkaasi Oo Ugu Horeeyo Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha oo shir jiraa’id ku qabtay qeybta VIP-da garoonka aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay Safar Laba cisho ah Oo ay Ku tageen Dalka Jibuuti Uu ahaa mid dhaxal gal ah Oo Dowladda Jibuuti ay Ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotada dheer  iyo garab istaaga Dadka Soomaaliyeed iyo caawimaada dhinaca ammaanka maadaama Ciidamada Jibuuti ay Ka howlgalaan Deegaano Ka tirsan Hirshabelle, waxaana ay isla garteen mas’uuliyiintii ay wada kulmeen in ciidamada Hirshabelle ay Ka saacidaan dhibacyada taakuleynta Tababarada, iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab, furitaanka Jidadka iyo sidii laysaga kaashan lahaa nabadaynta degaannada Hirshabelle.
Arriamaha Bini’aaddannimada ayuu sheegay madaxweynaha Hirshabelle mudane Maxamed Waare inay u baahan tahay in wax laga qabto, isagoo culeyska labaadna ku tilmaamay gurista Webiga Shabeelle , Ceelasha oo fogaaday iyo xaalado abaareed oo halkaasi ka jira, taasoo saamayn ballaadhan ku yeelatay nolosha Dadka.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa dowladda federaalka iyo deeq bixiyeyaasha Caalamka ka codsaday inay gacan buuxda ka geystaan samata bixinta dadka ku tabaalaysan Dhulka Hirshaeelle iyo sidii gurmad Biyo dhaamis ah loogu samayn lahaa.
Intii Jibuuti Uu Ku sugnaa Madaxweynaha Dowladda dowl goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa Uu booqday Taliska Guud ee Ciidamaxa Xoogga dalka Jibuuti, iyadoo halkaasi ay Ku soo dhoweeyeen saraakiisha ciidamada Uu Ugu Horeeyo Taliyaha Ciidamada Gen Zakariye, waxaana sidoo kale Uu LA Kulmay Wasiirka Difaaca Dalkaasi, iyo Mas’uuliyiin kale waxaan safarkaaai Uu Ku tilmaamay Madaxweyne Waare Mid dhaxal gal ah Oo Guul Ku soo dhamaaday, waxaana Madaxweyne Waare Uu u mahadceliyay Dowladda Iyo shacabka Reer Jibuuti Garab istaaga had iyo jeer ay garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed.