U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Kulmay Ku-Xigeenka Safiirka Talyaaniga Ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiir ku xigeenka Dowadda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Tabio Massimo kaasi oo ay ka wada hadleen wax ka qabashada arrimaha fatahaada Beledweyne, waxaana Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay Mashruucii in dhowaanba la sugayay ee ka hortagga Fatahaada oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar (6,000,000$).

Danjire Tabio Massimo ayaa u sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle In lacagtaas Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay oo ay doonayso dadka reer Beledweyne in ay ku caawiyaan si wax looga qabto arrimaha Fatahaadaha ee ku soo noq noqotay Beledweyne.

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahadceliyay caawimaada Talyaaniga, waxaana aqbaarta la xiriirta ogolaanshiyaha Talyaaniga ee lixda Milyan ee ka hortaga Daadadka Beledweyne ay ka dhigantahay Guul muujineysa dadaalka socda ee la xiriira ka hortagga fatahaada.

Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha ayaa waxaa la soo marsiinayaa oo fulinaya Hey’adda Cunada iyo Beeraha ee FAO.

    

Goobjoog News