U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Maamul Cusub U Magacaabay Gobolka Hiiraan Iyo Baladweyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble  ayaa goordhaw waxaa uu maamul cusub u magacaabay gobolka Hiiraan iyo degmada Baladweyne oo ah magaalo madaxda.

Wasiirka warfaafinta maamulka Hirshabeella oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay isbadalka dhacay, waxaan halkan hoose ka akhrisan doontaa isbadalka:

Gobolka Hiiraan:

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan:  Cumar Baadiyoow

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha amniga:  Maslax Maxamed Cismaan.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka :C/rashiid Sheekh Cali,

Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Qaalid Bashiir Cali,

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada: Sheekh Xusseen Cismaan Cali.

Xoghayaha gobolka loo magacaabay C/dulle Nuur Guure.

Maamulka Magaalada Baladweyne:

Guddoomiyaha degmada Beledweyne:  Aadan Axmed Xeefoow,

Duqa degmada Beledweyne : Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle

 

Googbjoog News