U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Shaaciyey Waqtiga Uu Magacaabayo Wasiiradiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa shaaciyey waqtiga uu soo magacaabi doono golaha wasiirada ee maamulkiisa.

Cosoble ayaa sheegay in hadda uu inta badan soo gabagabeeyey wadatashiyadii uu la lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale xildhibaannada maamulkiisa.

Waxa uu tilmaamay in kahor caleemasaarka madaxweynaha Soomaaliya oo ku beegan 22-ka bishan uu soo magacaabi doono wasiiradiisa.

“Saacadaha soo aadan ayaan soo magacaabi doonaa wasiirada, inta badan waxaa soo gabagaboobay wadatashiyadii aan la lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Odoyaasha dhaqana, Haweenka, dhallinyarada, sidoo kalena xildhibaannada intooda badan waan is aragnay, wixii xilligaan ka dambeeyana waa shaqo” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, iyadoo marar badan siyaasiyiin iyo xildhibaanno ay ka dalbadeen in arrintaasi uu soo dedejiyo si loo sii guda galo howlaha kale ee maamulka.

Goobjoog News