U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle Oo La Caleema Saarayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble ayaa lagu wadaa in lagu caleemo saaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe, iyadoo qaban qaabada munaasabaddan aad looga dareemayo magaaladaasi.

Maanta oo Sabti ah ayaa la filiyaa in la caleemo saaro madaxweynaha Hirshabelle, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku sugan magaalada Jowhar.

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi la geeyey ciidamo dheeraad ah oo ammaanka suga.

Dhammaan waddooyinka gala xarunta loogu talogalay in lagu qabto munaasabaddan waxaa xirey ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Booliis iyo Nabad sugid.

Isniintii aynu kasoo gudubnay ayaa xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle waxay doorteen madaxweynaha maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa.

Goobjoog News