U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Lagu Wado In Maanta La Doorto

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa lagu wadaa sida qorshaha yahay in maanta oo Isniin ah ay doortaan madaxweynaha maamulkaasi.

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana socota qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Saddex musharrax ayaa u taagan xilka madaxweyne ee maamulka Hirshabelle, halka ku xigeenkana u taagan yihiin Labo musharrax.

Magaalada Jowhar waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa magaalada jooga siyaasiyiin dhowr ah oo halkaasi qaabab kala duwan u jooga.

Qorshaha doorashada madaxweynaha Hirshabelle ayaa ahaa 15-kii bishan hase ahaatee arrimo farsamo ayeey dib uga dhacday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News