U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Shaaciyey Waqtiga Ay Billaabayaan Doorashada Aqalka Hoose

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa shaaciyey mudada maamulkiisa qorsheeyey in la billaabo doorashada xildhibaannada aqalka hoose, gaar ahaan xubnaha kusoo aadey maamulkaasi.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in Saddex cisho kadib ay magaalada Jowhar ka billaaban doonto howlaha doorashada aqalka Hoose, isaga oo tilmaamey in maamulkiisa uu diyaar u yahay dhameystirka howlaha shaqo ee horyaalla.

Sidoo kale madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ilaaliyeen qoondada Haweenka, islamarkaana kuraasta aqalka sare Labo kamid ah ay si gaar ah ugu tartamayaan Haween.

“Sidaan Jecelnahay Saddex cisho oo soo socota wixii ka dambeeyey iney billaabato doorashada aqalkii hoose, annagane taariikh bay inoo tahay, Soomaaliyana sidoo kale in muddo gaaban wax badan lagu qaban karo, waxaan rajeyneynaa in Labada aqal ay kasoo baxaan dad ay shacabka Hirshabelle ku qanacsanyihiin, dalkana wax u qaban kara, Soomaalinimada ku weyntahay, sidoo kale aqalka sare waxaan xoogga ku saarnay in haweenka xuquuqdii ay ku lahaayeen aan la duudsiin oo si aan walwal ku jirin ku helaan qoondadooda” ayuu yiri madaxweynaha.

Maamulka Hirshabelle oo ah maamul cusub ayaa dardar wuxuu ku wadaa doorashooyinka aqallada hoose iyo sare, iyadoo mudada hartayna ay aad u gaaban tahay.

Goobjoog News